Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday qeybo ka mid ah Puntland

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Caluula ee Gobolka Bari,waxana Saraakiisha Ciidamada Puntland ay sheegeen in lala beegsaday fariin ay leeyihiin Kooxda Daacish.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo buuraleey u badan,in kastoo duqeyntaas aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Weli Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ma shaacin halka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Bari

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media