Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegaayaan in xalay ay diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaanka Mubaarak oo ay Gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmd Oowdheegle ee Gobolkaasi ayaa waxaa xalay sida la sheegay 3:00 Saqdii dhexe ay duqeeyeen diyaaraduhu Goob lagu diyaariyay Gaari Homey ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa la sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaaro in kastoo aan la cadeyn Karin maadaama ay halkaasi Gacanta ku hayaan Al-Shabaab dadkuna ay sheegen in aysan fah faahin bixin Karin.

Wararka ay Dalsan heleyso aya waxa ay sheegayaan in Diyaaradahaasi dagaal oo loo maleynayo in ay leedahay dowladda Mareykanka ay duqeyn u geysteen fariisin Ciidamo ka tirsan Shabaab ku leeyihiin deegaanka Mubaarak.

Shabeellaha Hoose ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay duqeymo joogto ah oo lala bartilmaamedsaday baro koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Shabaab.

Weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin qeyntaas,waxana lagu soo waramayaa in Maanta deegaanka Mubaarak laga dareemayo feejignan ay muujinayaan Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media