Duqeyn Diyaaradeed lagu dilay in ka badan 200 oo  Dagaalame oo la fuliyay

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Afganistan, Fawad Aman ayaa sheegay in Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka xalay lala beegsaday  Caasimadda Gobalka Jawzjan ee Sheberghan ee Waqooyiga dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ka badan 200 oo  Dagaalame lagu dilay Duqeyntaaasi, lana burburiyey boqolaal gaadiid iyo Kaydad ballaaran oo Hub iyo Saanad ahaa.

Dhinaca kale, Duuliye u dhashay Afganistan ayaa xalay lagu dilay magaalladda Kaabul, kadib, markii Qarax loogu rakibay Gaarigiisa.

Duuliyahaasi oo lagu magacaabi jirey Xamiidullaasi Caziimi waxaa uu ahaa Duuliye kaxeeya Helikoptarada lagu farsameeyey Maraykanka ee UH 60 Black Hawk.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Kooxda Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid ayuu ku sheegay inay ka ka dambeeyeen Dilkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor