Duqeyn ay amartay dowladda oo Caawa lagu dilay Saraakiil ka tirsan Shabaab

Diyaaraha mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay degaan hoos yimaada Magaalada kismaayo ee Gobolka jubbada hoose

Duqeynta ayaa dhacday Caawa Maqrib nimadii waxayna ka dhacday Saldhig Al-shabaab ay ku lahayeen Degaanka Beer-beerxaani ee Gobolka jubbada hoose.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga Dalka general Ismaciil Saxardiid  ayaa Idaacada ciidamada qalabka Sida u sheegay in Duqeynta ay ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku lahayeen  Degaanka Beer Xaani.

Sidoo kale general Saxardiid  ayaa xaqiijiyay Duqeynta xiliga ay dhacay say ay saldhiga uu shir ugu  socday Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ee gobolka jubbada hoose.

Duqeynta ayaa lagu dilay Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Gobolka jubbada hoose iyo Sarkaal Al-shabaab  u qaabilsanaa zaka waadka  ee Degaanka Beer-xaani

Maleyshiyaadka lagu dilay Duqeynta waxay Saraakiisha xoogga dalka ay xaqijiyeen in ay gaarayaan 15

General ismaciil Saxardiid Taliyaha Qeybta 43 Aad ee CIidanka Xoogga dalka waxa uu  sidoo kale sheegeen in Duqeynta caawa maqribkii ka dhacday beer-xaani ay amartay dowladda Soomaaliya

Taliyaha waxa uu tibaaxay in 2 km ay ugu baxeey Al-shabaab Degaanka beer-xaani

Magacyada iyo sawirrada Saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta ay sheegeen Saraakiisha xoogga dalka iyo mareykanka in ay soo gubbin doonaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media