Duqeymo Diyaaradeed oo Caawa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka ay Dalsan ka heleyso Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarado dagaal ay Caawa duqeyn ka fuliyeen deegaano ay Gobolkaas ka joogaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Duqeyntaan ayaa waxa Caawa fuliyay Diyaarada Droneska ee Mareykanka aan duuliyaha laheyn, waxaana la sheegay in ay duqeyntas la beegsadeen Saldhiga Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Yaaq-bariweyne.

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee Ciidamada Mareykanka kala Shaqeeya dhanka Howlgalada Gaarka ah ayaa Idaacada Ciidamada qalabka sida u Xaqiijiyay in Duqeynta ay ka dhacday  Bar Koontarool oo  Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaqbari weyne.

Ku dhawaad Lix ka Tirsan Al-shabaab ayay sheegeen Saraakiishu in  lagu dilay weerarka Duqeynta Ciidamada Mareykanka Caawa ay ka Fuliyeen Gobolka shabellaha Hoose.

Weerarka Duqeynta Caawa Diyaaraha Mareykanka ay ka Fuliyeen Degaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kusoo aadaya Xili Maanta war Qoraal ah oo kasoo Baxay Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka lagu sheegay Duqeymo  todobaadkii u danbeeyey ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya lagu Dilay 40 ka Tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media