Duqa magaaladda Siyaatal ee dalka Maraykanka oo u ololaynaya sidii loo xalin lahaa xayiraadda Xawaaladaha Soomaalida

Duqa magaalladda Siyaatal ee Gobalka Washington ee dalka Maraykanka,  Eed Murraay ayaa soo bandhigay Qaraar Wadajir oo ay gaareen Golaha Degmadda, si  xal loogu helo Xawillaadda Soomaalida ee xayiran.

“Xiritaanka Xisaabaadka Xawaaladaha waxay dhibaato xooggan u geysteen Kumanaan qoysas Somali-Maraykan ah iyo Ehelladdooda ku nool gudaha dalka Somalia” ayuu yiri Eed Murraay, oo intaasi ku daray inuu taageerayo Soomaalida ku nool Siyaatal.

Waxa uu rajo ka bixiyey inay Dowladda Federalka Maraykanka qaadi doonaan Tallaabooyinka saxda ah si loo xaliyo dhibaatadda xawaaladaha Soomaalida.

Dhinaca kale, Duqa magaalladda Siyaatal waxa uu ugu baaqay Xafiiska Arrimaha Socdaalka iyo Qaxootiga (OIRA), Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmadda iyo Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda inay dib u eegeen sidii ay Bangiyadda Maxaliga u sii wadi lahaayeen iskaashiga ay la leeyihiin Xawaaladaha Soomaalida.

Bishii February ee la soo dhaafay, Bangiga The Merchants Bank of California ayaa xiray dhamaan Xisaab-lacageedyadda Xawaaladaha Soomaalida Maraykanka, kadib, markii ay Waaxda Maaliyadda ee Federalka Maraykanka amreen in la joojiyo Lacagaha loo xawilayo gudaha dalka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor