Dukumenti: Rag Somal Maraykan ku hanjabay inay dili doonaan Saraakiisha FBI-da oo la soo bandhigay

Baarayaasha Maraykanka ayaa soo bandhigay Eedeymo loo haysto Labo dhallinyarro Somali Maraykan horey uga hanjabay inay dili doonaan Saraakiisha FBI-da.

Labada Dhallinyarro oo lagu kala magacaabo Mohamed Abdihamid Farah iyo Abdirahman Yasin Daud oo 21-jirro ayaa la xiray, xilli ay doonayeen inay u socdaalaan dalka Syria si ay ugu biiraan Kooxada Daacish.

Nin wararka u geeya Hya’adda FBI-da ayaa sheegay inay Eedeysanayaashaasi ku goodiyeen inay dili doonaan Saraakiisha FBI-da, haddii ay ka joojiyaan safarka ay ugu ambabaxayaan dalka Syria.

Eedeysnaayaasha oo laga soo qabtay meel ku dhow xuduudka uu dalka Maraykanka la wadaago dalka Meksiko ayaa qeyb ka ah 6 dhallinyarro Somali Maraykan ku eedeysan inay si dhuumaalaysi ugu safri lahaayeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Daacish.

Dukumeti cusub oo Maxkamadeed oo shalay la soo saaray ayey Baarayaasha ku baaqeen inAbdirahman Yasin Daud lagu sii hayo Xabsiga, iyagoo ku tilmamaay inuu yahay nin khatar ku ah Bulshadda.

Waxay tilmaameen inuu muddo dheer ka fekerayey sidii uu ugu ambabixi lahaa dalka Syria, isagoo Telefoonka kula xiriiray nin lagu magacaabo Abdi Nuur, kaasi oo ka ambabaxay Minnesota, kuna biiray Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Baarayaasha FBI-da waxay sheegeen inay shalay gacanta ku hdigeen Labo nin oo iyagu u safri lahaa dalka Syria, kuwaasi oo laga soo kala qabtay Koonfurta Gobalka California iyo Garoonka Diyaaradaha ee Los Angeles.2 3

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor