Drs. Madiina Caamir:”Waxaan u tartamayaa Kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Awbakar Gaabane, waxaana sameyn doono Isbedal haddii aan ku guuleysto”.

Drs. Madiina Caamir Maxamed oo ka mid ahayd Mas’uuliyiintii Shirkaddii Diyaaradaha Soomaaliyeed ee Soimalia Airlines ayaa hadalkaasi ka sheegtay Xaflad ay kaga dhawaaqday inay u tartamayso Kursiga Xildhibaanimadda Beesha Awbakar Gaabane  oo lagu qabtay magaalladda Nairobi.

Drs. Madiina Caamir Maxamed waxay tilmaamtay in loo baahan yahay Isbedel lagu sameeyo Beesha Awbakar Gaabane iyo inaan mar kale Kursiga Xildhibaanimo ee Beesha lagu ganacsan doonin, balse loogu adeegi doono Dadka.

“Waxaan keeni doonaa Isbedel, maadaama aan Khibrad u leeyahay Dowladnimadda” ayey tiri Drs. Madiino Caamir oo horey Xilal uga soo qabatay Shirkaddii Diyaaradaha ee Somali Airlines.

Waxayna intaasi ku dartay haddii ay ku guuleysato Xildhibaanka inay u shaqeyn doonto Ummadda, oo aysan Xilkaasi ka dhigi doonin mid lagu ganacsado.

Hadalkeeda ayaa soo baxay iyadoo Kursiga Xildhibaano ee Beesha Awbakar Gaabane haatan ku fadhiyo Ganacsade Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” oo isagu Xilka Xildhibaanimadda hayey ilaa 2011-kii ee Xilligii Dowladdii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

ducaaleGanacsade Maxamed Abuukar Islow ayaa lagu eedeeyaa inuusan ka soo muuqanin Doodaha Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka yeeshaan, wuxuuna inta badan ku mashquulsan yahay Hawlihiisa Khaaska ee Ganacsiga.

Dhinaca kale, Ilo ku dhowdhow Odayaasha Beesha Awbakar Gaabane ayaa sheegay inuu Ganacsade Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” la kulmay Odayaasha Beesha, kana codsaday in isaga loo dhaafo Kursiga Xildhibaanimadda  ee Barlamaanka Cusub, si uu ugu ilaashado Ganacsigiisa.

Si kastaba ha ahaato, Odayaasha Dhaqanka Beesha Awbakar Gaabane ayaa isweydiiyey in Kursiga Xildhibaano ee Beesha loogu talagalay in lagu ilaashado Dano Shaqsi mise Danaha Beesha iyo Qaranka?

 ©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media