Drones duqeeyey Dagaalyahano Alshabaab ku sugan Deegaanka Kuunya-barrow.

Ilaa 3 Gantaal ayaa la xaqiijiyey inay Diyaarado nooca Droneska xalay la beegsadeen goobo ay Dagaalamayaasha Alshabaab kaga sugnaayeen gudaha iyo daafaha Deegaanka Kuunya-barow ee Gobalka Sh/hoose.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Fiidkii xalay maqleen Duqeyn loo geystay Garaash ay Alshabaab ku leeyihiin gudaha Deegaankaasi.

drones1111Garaashka la duqeeyey ayaa la sheegay inay yaalleen Gaadiid Tekniko ah iyo Kaydad Shidaal iyo Rasaas ahaa.

Waxaa kaloo la sheegay inay Droneska duqeeyeen bar Kontorool oo ay Dagaalyahannadda Alshabaab ku leeyihiin duleedka Kuunya-barrow.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay saakayto baaritaano ka bilaabeen Deegaankaasi, waxayna tuhunsan yihiin inay jiraan dad ku lug lahaa Duqeymahaasi.

Lama shaacinin dalka laga leeyahay Diyaaradihii Droneska ee xalay duqeynta ka geystay Deegaankaasi.

Duqeyntan ayaa timid, iyadoo ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka maalmihii la soo dhaafay guluf colaadeed ka wadeen Tuullooyin ku hareeraysan magaalladda Baraawe.

© Radio Dalsan                         

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor