Dr.yare oo u Geeriyooday Dhaawicii Soo Gaaray

Cabduqaadir Cismaan Faarxa Dr. yare o ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda waxbarshada ayaa goor dhow u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaariisa oo saakay ka dhacay meel ku dhow isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore, ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay geerida marxuumka.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa tagay ciidamo ka tirsan dowladda, oo baaritaanno ka sameeyey meesha ay wax ka dhaceen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media