Dr. Xasan Shire: “Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen waa inay xaqiijiyaan Koontada Haweeenka…”

Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, ahna Guddoomiyaha ARAGTO-IFISO, Dr. Xasan Shire Sheekh oo Caawa la hadlay Radio Dalsan ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta inaysan ku xad-gudbin Koontadda ay Haweenku ku yeelanayaan Kuraasta Barlamaanka soo socda.

Dr. Xasan Shire Sheekh waxa uu si gaar ah ugu baaqay Siyasiyiinta Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen inay dhowraan Koontada 30% ay Haweenku ku leeyihiin Barlamaanka soo socda, wuxuuna ka digay in la xaqiro Xuquuqdooda sidii dhacday Barlamaankii Federalka ee la soo doortay sannadkii 2012-ka.

“Gabdho badan oo waxtar leh ayaa ka soo jeedaa Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen, loona baahan yahay in laga faa’ideysto Aqoontooda” ayuu yiri Dr. Xasan Shire Sheekh, wuxuuna ka digay in la gacan bidixeeyo Koontadda Haweenka ee ay ku leeyihiin Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ee ay Odayaasha Dhaqanka Beelaha haatan ku hawlan yihiin sidii loo soo xuli lahaa.

Hadalka Dr. Xasan Shire Shiikh ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Dalladda ARAGTO-IFISO dhawaan soo saartay War-sxaafadeed lagu adkaynayo muhiimadda Koontadda 30% ee ay Haweenka Soomaliyeed ku leeyihiin Barlamaanka soo socda.

War-saxafadeedkaasi waxa uu u qornaa sidatan:

Odayaasha Dhaqanka iyo Hay’adaha Doorashadda waxaa waajib ku ah inay xushmeeyaan Koontadda Haweenka ku leeyihiin Barlamaanka oo ay horeyba ugu heshiiyeen Madasha Wada-tashiga Qaranka “The Somali National Leadership Forum”.

ARAGTO-IFISO ayaa sheegtay dhamaadkii 20-sanno oo ay colaado ka jireen Somalia, inaan la samayn karin Hannaan Hoggaamineed oo aan Haween lahayn.

Iyadoo Wakiilnimada Haweenka ahayd Hadafka lagu sameeyey Barlamaanka Somalia ee sannadkii 2012-kii, haddana Haweenka ma aysan helin Koontada 30% ee loo qoondeeyey.

Somalia waxay horey ugu dhaqaaqday Nidaamka Doorashadda ee 2016-ka, waa in la fuliyaa Bllanqaadkooda Wakiiladda Hawenka ku yeelanayaan Barlamaanka.

135 Odayaal Dhaqameed Soomaali ka kala yimid dhamaan Qabaa’illadda Somalia waxay dooran doonaan 14,025 Ergo oo soo xuli doonaan 275-ka Xildhibaan ee Barlamaanka Somalia. Koontadda 30% ee Haweenka waa inay la mid noqoto xubnaha Doorashadda.

Haddii ay Xubnaha Doorashadda ku fashilmaan inay Haweenka u xulaan mid ka mid ah saddexdii Kursi  ee Barlamaanka, waxay ARAGTO-IFISO ugu baaqi doonaan Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadban ee Federlka (FIEIT) inuu gaashaanka ku dhufto

“Haweenka waxay  dhibaatadu haysatay in ka badan 20 snno iyo bar oo ay dagaallo sokeeye dhaceen” ayuu yiri Guddoomiyaha ARAGTO-IFISO, Dr. Xasan Shire Sheekh.

“Barlamaanka soo socdo waxaa waajib ku ah inuu asaas u yeesho khibradihii Qoysaska iyo Dhibanayaasha colaadaha sokeeye oo iyagu fahmayo, isla markaana qaadayo Tallaabooyinka Adag ee loo baahan yahay in lagu xaqiijiyo Xorriyadda iyo Nabadda Somalia” ayuu sii raaciyey Xasan Shire.

ARAGTO-IFISO waa Mashruuc Bulshadda Rayidka oo loogu talagalay inay ifiyaan Nidaamka Doorashadda Somalia iyo inay Jilayaasha Qaranka ka dhabeeyaan xubinimadda Haweenka ee Dowladda Somalia iyo inay Doorashadu noqoto mid Xor iyo Xalaal ah.

Xigasho: ARAGTO-IFISO

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor