DPworld oo digniin culus dul dhigtay Dowladda Jabuuti

Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta sidoo kalana maamusha qaar ka mid ah Dekadaha caalamka ayaa go,aano adag ka soo saartay cayrintii laga cayriyay Dekadda magaalada Jabuuti ee Dooraale kadib markii Jabuuti ay laashay heshiis ay horay ula gashay Shirkadda.

Hadal masuuliyiinta shirkaddu ay siiyeen wargayska ka faalooda arimha istaraatiijiyadda Dekadaha ayaa waxaa lagu faah-faahiyay sharci ahaanshaha laalista heshiiskii ay dowladda Jabuuti ay ka gashay shirkadda DPworld.

DPworld ayaa uga digat Jauuti in Dekadda Doorale lagu wareejiyo shirkad kale iyada oo sheegtay in weli uu shaqaynayo heshiiskii ay galeen labada dhinac,Warbixinta ayaa lagu cadeeyay in hadii Jabuuti ay ku dhaqaqdo talaabadaas shirkadduna ay xaq u yeelanayso in ay dhankleeda dacwad furato.

Sharikadda Maamusha Dekadaha ee DPWorld ayaa uga digtay Dowladda Jabuuti in Dekadda Dooraale ay ku wareejiso sharikad kale inta uu shaqeynayo heshiiska ay DPWorld iyo Dowladda Jabuuti wada galeen.

Warbixin ay soo saartay sharikadda ayey ku sheegtay in haddii tallaabadaas ay ku dhaqaaqdo Dowladda Jabuuti ay iyaduna xaq u leedahay in ay dacweyso islamarkaana sheegto bur bur hantiyadeed in loo geystay.

DPworld ayaa sheegtay in u jiro diyar garoow ku aadan sidii qoraal sharci ah ay ugu gudbin lahaayeen hay”adda ka shaqaysa sharciyada ee DCT,Hadii dowladda Jabuuti ay shirkad kale ku wareejiso Dekadda Dooraale oo laga cayriyay DPworld.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media