Dowladdaha Raashiya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis cusub

Dowladaha Raashiya iyo Ethiopia ayaa waxay kala saxiixdeen Heshiis la xiriira Iskaashiga Milliteriga, kadib, markii ay wada-xaajood socday 3 maalmood kaga arrinsadeen dhinacyada ay iska kaashan karaan.

Heshiiskaasi waxa uu diirada saarayaa Casriyeynta iyo wax-ka-bedelka Awoodda Ciiddanka Ethiopia ee dhinacyada Aqoonta, Xirfadaha iyo Farsamadda Teknoolajiyadda casriga ee Dagaalka.

Madasha 11-aad ee Iskaashiga Milliteri iyo Farsamada ee labadaasi Waddan ayaana dib loogu eegay hawlihii ay Labada Guddi qabtee, iyagoo dejiyey tilmaamo ku aadan Iskaashiga Mustaqbalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor