Dowladda Zambia oo Qabatay 51qof oo Muhaajiriin ah oo Soomaali Ay Ku Jiraan

Masuuliyiinta Dowladda Zambia ayaa sheegay iney xereen 51 qof oo ahaa Muhaajiriin Sharci darro ku socday,kuwaas oo la qabtay kadib howlgalo laga sameeyay Caasimada Dalkasi ee Lusaka sida laga soo xigtay Sarkaal Sare oo ka tirsan Waaxda Socdaalka.

Namati Nshinka oo ah Sarkaal Ka tirsan Waaxda Socdaal iyo Xiriirka Caalamiga Dalka Zambia ayaa sheegay in dadkan la tuhunsanayaasha Sharci daradda ku haajirayay in la xeray kadib markii howlgalo laga sameeyay afar goob oo ka tirsan Caasimada Zambia Maalmihii Jimacaha iyo Sabtida aan ka soo gudubnay.

Afhayeen u hadlay Waaxda Socdaalka Zambia in 51 qof 20 kamid ah ay ka yimaadeen Dalka Ziimbabwe,13 Soomaaliya,4 Rwanda,6 Tanzania,2 Burundes ah iyo 2 Zambia u dhashay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor