Dowladda Uganda oo Xirtay dhowr dugsi oo lagu barto Diinta Islaamka

Afhayeenka Boliiska caasimadda dalka Uganda, Patrick Onyango ayaa sheegay inay albaabadda u laabeen Shan Malcamadaha lagu barto Diinta Islaamka, kadib, markii ay maqleen in Ardayda lagu barayo sidii ay uga mid noqdaan Dagaalyahanno mucaarad ku ah Dowladda Uganda.

Afhayeenka oo Wareysi siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ayaa ku dooday in Madrasadaha la xiran yihiin goobo lagu tababarayo Dagaalyahanno Xag-jirayaal ah, waa sida uu hadalka u dhigay
Waxa uu intaasi ku daray in Madrasadaha la xiray oo ku kala yaalla Bartamaha iyo Bariga Uganda yihiin kuwo xiriir la leh Hoggaamiyaha Isbahaysiga Dimuqraadyadda (The Allied Democratic Forces), Jamil Mukulu, oo ay Boliska Caalamiga ee INTERPOL horey u amreen in la soo xiro.

Hoggaamiyahaasi ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhuumaalaysanayo Bariga dalka Kongadda Dimuqraadiga.
Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Muslimiinta Uganda ayaa gaashaanka ku dhuftay Eedeymahaasi.

Hoggaamiyahaas oo lagu magacaabo Jamiil Nakibinge oo la hadlay Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor kana soo baxa magaalladda Kampala ayaa sheegay inay Madrasadaha lagu barto Diinta Islaamka oo ay Boliska xireen yihiin kuwo Sharciyeysan, isla markaana ay fasax ka haystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Uganda.

Hoggaamiyahaasi waxa uu si kulul u naqdiyey Waqabadka Boliska Uganda oo uu xusay inay yihiin kuwo ku fashilmay ammaanka, isla markaana hawl ka dhigtay inay albaabadda u laabaan Xarumaha lagu barto Diinta Islaamka.

Dhinaca kale, Dowladda Uganda ayaa horey uga digtay cabsida sii kordhayso ee da’ yarta Uganda ee ku biirayo Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan ee ka hawlgala qeybo ka mid ah dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan Somalia, Kenya iyo Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor