Dowladda Uganda oo Wada-xaajood ka bilowday Mushaar la’aanta Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Colonel Paddy Ankunda ayaa sheegay inay Ururka Midowga Afrika la bilaabeen Wada-xaajood la xiriira mushaaraadka ka maqan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

In ka badan lix kun oo Askari oo Ugandese ah oo qeyb ka ah AMISOM ayaa la shaaciyey inaysan qaadanin wax mushaar ah afartii bilood ee ugu dambaysay.

Afhayeenka waxa uu rajo ka muujiyey in la xalin doono Dib-u-dhacaasi, si ay Ciiddanka Uganda u helaan mushaaraadka ka maqan.

Waxa uu tilmaamay inay Midowga Europe mas’uul ka yihiin dib-u-dhcaasi, maadaama ay Midowga Afrika ka taageeraan Kharajka Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, waxa uu meesha ka saaray hadalo ay Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Uganda ku sheegeen inay mushaar la’aantaasi saamayn ku yeelatay  Moraalka Ciiddanka Uganda ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM.

“Ma jirto wax xiisad ah, waxaana Somalia u joognaa Hawlgal aynu ku taageerayno Walaalaheenna Soomaaliyeed” ayuu yiri Paddy Ankunda.

Askari kasta oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, waxay bishii mushaar ahaan u qaadan jireen lacag dhan 1,028 Dollar, balse waxaa haatan la shaaciyey inay qaadan doonaan 628 Dollar.

Dhaqaale-dhimistaasi ayaa ka timid , iyadoo Dowladaha Midowga Europe shaaciyeen inay 20% jareen Kaalmooyinka Lacageed ee ay siiyaan Hawlgalka AMISOM.

©©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor