Dowladda Uganda oo Soomaaliya usoo direysa ciidamo ka hortaga Qaraxyada

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in askar cusub oo ka tirsan ciidanka difaaca dalka Uganda in ay usoo diri doonto dalka soomaaliya, si ay qeyb ugu noqdaan howlallada ciidanka AMISOM ay ka wadaan gudaha soomaaliya.

Guutada ciidanka cusub ee Uganda ay usoo direyso soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya Colonel Silvio Aguma, waxaana uu shegay in tababar shan bilood ah ay qaaten ciidanka oo ku aadan dhanka nabad illaalinta.

Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka hortagi doonaan ama ay joojin doonaan qaraxyada Bombaanooyinka ee Magalada Muqdosho kusoo kordhay beryahaan sida warbixinta lagu shegay.

Wakaalada AFP ayaa sidoo kale sheegaysa in ciidamo horay ujoogay magalada muqdisho qaar kood loo daad gureeyay Gobolka shabeelada hoose.

Ciidanka ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 17,000, waxaana ay bedeli doonaan ciidamo horay ujoogay soomaaliya, waxaana qaarkood la sheegay in ay bedeli doonaan ciidamo mudo labo sano ka howlagallayay dalka soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor