Turkiga: Lacagaha Caddaanka ee lagu taageerayo DFS  oo la dhigay Bangiga Dhexe ee Somalia.

Danjiraha Turkiga u jooga Somalia, Olgan Bekir yaa xaqiijiyey iny Dowladiisa ka go’an tahay in DFS la taageero iyo in Lacagaha caddaanka (the Cash money) lagu taageero Miisaaniydda Federlka.

Ambassador Olgan Bekir ayaa hadalkan sheegay, kadib, markii uu la kulmay Wasiirka Maaliyadda ee XFS, Maxamed Xayir Ibraahim munaasabadda Wareejinta Taageeradaasi.

Lacagtaasi oo aan cadadeeda la sheegin ayaa la dhigay Bangiga Dhexe ee Somalia, sida lagu muujiyey Hadal qoraal ah.

Ra’isul-wasare Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageeradaasi.

Dhinaca kale, Heshiiska dhinaca Iskaashiga Wershadaha Difaaca ee Turkiga iyo Somalia ayaa la meel-mariyey.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media