Dowladda Thailand oo sii deysay Muhaajiriin ay kamid ahaayeen Soomaali

Madaxda dowlada Thailand ayaa sii daayay ku dhowaad 64 ruux oo magangalyo doon ahaa oo ay ku jiraan soomaali, kuwaasoo ay dhawaan gacanta ku dhigeen, police-ka

Hey’adda Human Rights Watch, ayaa sheegtay in tiradaasi Qaxootiga ee lasiidaayay ay ku jireen todobo ruux oo Carruur ah oo kazoo kala jeeda wadamada Pakistan iyo Soomaaliya.

Agaasimaha Barnaamijyada Hey’adda Human Rights Watch Bill Frelick, ayaa sheegay in dad Qaxooti Magangalyo iyo difaac doon ah in aaney mudneen in laxiro, waxaana uu ugu baaqay dowlada Thailand in ay la timaado bedelka in Shaqsi Qaxooti ah la xiro.

Bishii September 10, 2015, ayaa ciidamada Police-ka dalka Thailand waxaa ay werar ay ku qaadeen xaruumo ku yaala Magaalooyinka Pracha Uthit  iyo Bangkok, waxaana ay kazoo xireen tiro qaxooti Somali iyo Pakistaan iskugu jira.

Dalka Thailand kama mid ahan wadamadii saxiixay heshiiskii Jineefa ee Refugee Convention ee sanadkii 1951 kaasoo qeexaya shuruucda qaxootiga iyo nidaamkooda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor