Dowladda Soomaaliya oo WFP u cusbooneysiisay heshiis ay uga howlgaleyso dalka.

Mogadishu, December 09, 2015 –

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey’adda WFP uga howlgaleyso dalka Soomaaliya kadib markii uu idlaaday waqtiga heshiiskii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer iyo Wakiilka WFP Somalia Mr. Laurent Bukera ayaa maanta heshiiskaasi ku kala saxiixday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Caasimadda Muqdisho , halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladda Dr. Osman Elmi Guled,Xoghayaha joogtada Wasaaradda ,Mudane, Ali Mohamed Ali iyo mas’uuliyiin kale .

Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha bani’aadanimo ee kala duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya .

WFP 5wfp 222 wfp333333 WFP 10

Xigasho: Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda