Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay saameynta biyo la’aanta ka jirta gobolada Dalka

Mudane Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa baaq u diray Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka  ee ka howlgala Soomaaliya  in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira Dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan Dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka  in ay lagama maarmaan tahay in Hey’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta ee deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya..

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Arrintasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeralay iyo xoola dhaqato badan oo kunoolaa deegaanada uu maro webigaasi,mana jiraan keydadka biyaha webiga oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka marka ay dhacdo dhibaatadan oo kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media