Dowladda Soomaaliya oo Wafdi Hordhac ah u Dirtay Shirka London

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wafdi hordhac ah u dirtay shirka ka furmaya magaalada London, kaasi oo ay ka qeyb galyaan in ka badan 40-tan dal, islamarkaana looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Xubnaha wafdigaasi waxaa horkacaya wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte, islamarkaana hada ah madaxa qaban qaabada ee shirka London, waxaana uu sheegay in shirkaasi looga hadlayo arrimo muhiim u ha Soomaaliya, islamarkaana ay ka mid tahay arrinta maqaamka Muqdisho, qodobada ku hoos jira ajandaha siyaasada, loona baahan yahay in laga heshiiyo.

Shirkaasii oo furmi doona 11-bishaan May waxaa si wadajir ah u shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media