Dowladda Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiiru dowlaha Khaalid Cumar Cali, Wasiir ku-xigeenka Axmed Cali Maxamed “Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Roble Olhaye oo 22 July 2015 ku geeriyooday dalka Mareykanka , isagoo ahaa Ergeyga Dowladda Djibouti u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee New York iyo Danjiraha u fadhiya Magaalada Washington .

Marxuum Roble Olhaye oo ka mid ahaa Safiirada khibradda dheer ee dalkaasi Djibouti ayaa lagu xasuustaa kaalintiisa muuqata ee uu ka qaatay xal u raadinta wadamo qalalaase siyaasadeed iyo ammaan uu ka jiray oo ay ka mid tahay Haiti.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, qoyskiisa , eheladdiisa iyo asxaabtiisana Sabar iyo Iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor