Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in sideg deg ah ay ugu yeertay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed kaas oo isla Maanta soo gaaray Muqdisho.

Wafdigii ka socday Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo Jowhar u joogay xal u helida xiisada ka dhex taagan Maamulka Hir-Shabeelle oo Muqdisho dib ugu soo laabtay,ayaa waxaa xigay u yeeritaanka Gudoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Ka hor inta uusan soo gaaray Magaalada Muqdisho gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa Xubnaha Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada waxay wada qaateen kulan Al-baabada ay u xirnaayeen kaas oo leysku raacay in hadii dowladda Soomaaliya ay taageeri weyso Go’aankii Xilka qaadista ay bilaabi doonaan doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku dadaaleysa sidii xal buuxa looga gaari lahaa xiisada ka dhex taagan hoggaanka Hir-Shabeelle,iyada oo Cali Cabdullaahi Cosoble uu ku doodayo in xilka qaadistaas ay ka dambeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

W/Q/Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media