Dowladda Soomaaliya oo sii deysay 2 wariye oo ka Tirsan Idaacada Shabeele

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii deysay labo wariye oo ka howlgalayay Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho.

Wariyayaasha xoriyadooda dib u helay ayaa kala ah Maxamed Muuse oo ah Agaasimaha Shabeele iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan.

Labada Saxafi ayaa lagu sii daayay Si damiin ah kadib markii labo todobaad ay xernaayeen.

Inkastoo wariyayaasha la siidaayay weli waxaa hawada ka maqan Idaacadda Shabeele Taas oo ay xereen Ciidamada Nabadsugida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor