Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay magdhow ka bixinayaan dadkii lagu laayey Deegaanka Bariire

Saraakisiha Dowladda ayaa maanta sheegay in 10-kii qof ee lagu dilay Hawlgalkii ay sida wadajirka u fuliyeen Ciiddanka Dowladda iyo Milliteriga Maraykanka  ahaayeen dad rayid ah, isla markaana Qoysaskooda la siin doono lacagta magta.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon ayaa sheegay in dadkaasi si kama’ ah loo dilay, isla markaana ay DF diyaar u tahay inay Qoysaska Marxuuminta kala hadlaan arrintaasi.

Xildhibaanka ayaa hadalkaasi ka jeediyey goobtii maanta Aaska Qaran loogu sameeyey Marxuumintaasi lagu dilay weerarkii Jimcihii ka dhacay Deegaanka Bariire ee Gobalka Sh/hoose.

Hoggaamiye Dhaqameed lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali oo ka mid ah Qaraabadda Marxuuminta la dilay ayaa sheegay inay saqdii dhexe ee xalay Heshiis Rasmi ah la gaareen DFS.

Waxa uu sheegay inay DF la gaareen Heshiis ka kooban 3 qoddob oo kala ah:

 

1-      In Marxuuminta loo sameeyo Aas Qaran oo ay ka soo qeyb gelaan Saraakiil ka tirsan DFS,

2-     In magdhow laga bixiyo 10-ka Marxuum ee la dilay

3-     Inay DFS xaliyaan colaadaha Qabaa’ilka ee ka socda Gobalka Sh/Hoose, si uusan mar dambe u dhicin shil la mid ah kan lagu dilay Marxuumintaasi rayidka ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, DFS waxay Guddi Farsamo u saartay Dhacdadaasi, kuwaasi oo la filayo inay gelinka dambe ee maanta Warbixintooda ka jeediyaan Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiiradda XFS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media