Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde uu Shaqa bilaabi doono Xiliyada Habeenkii

Wasiirka wasaaradda gaadiidka dhulka iyo cirka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad, oo maanta  la hadlay, warbaahinta ayaa sheegay in garoonka duyuuradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo dhameystirey qalabkii sahleya duulimaadyada habeenkii isla markaana garoonka uu shaqeynayo in ka badan 16 saacadood.

Wasiirka ayaa shirkadaha duulimaadka ee ka howlgala dalka u sheegay in habeen iyo maalin si isku mid ah u shaqeyn karaan.

Waaxda saadaasha hawada ee garoonka duyuuradaha ee Muqdisho ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee Tawaradooda ku yaalaan degmooyinka; Wadajir, Waaberi, Hodan, Xamar-weyne, Xamar-Jajab iyo Warta nabadda in ay ku xiraan leerar muujinaya tawaradooda si duyuuradaha habeenkii aysan u dhibaateyn.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ula soo wareegi laheyd maamulka hawada dalka, ra’iisul wasaaraha xukuuumadda Soomaaliya ayaana dhowaan daah furey duulimaadka habeenkii ee garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media