Dowladda Soomaaliya oo qorsheysay in Sugida amniga ay ka qeyb qaataan Ciidamo isku-dhaf ah

Munaasabad  lagu dhiirigelinayay shaqada Qaranka ay u hayaan  Sadaxda Ciidan ee dalku leeyahay oo kala ah Melatariga,  Asluubta iyo Booliska ayaa lagu qabtay Xarunta gaadiidka Booliska ee Muqdisho.

Ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed,  gudoomiyaha gobolka Banaadir  ahna Duqa Muqdisho  Mudane  Cabdiraxmaan Cumar Cisamaan,  taliyayaasha ciidamada Asluubta, Melatariga iyo Booliska,Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada aqal iyo saraakiil ciidan ayaa ka qeybgalay munaasabaddaasi.

Fananiinta ciidamada qalabka sida sida qeybahoooda kaladuban ayaa halkaasi  ku soo bandhigay  heeso ad u qiiro badan oo ay ku muujinayeen  sida ay ciidamada uga go’aantahay difaaca dalka iyo sugidda amniga.

Taliyaha  guud ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ku hadlayay afka taliyayaasha ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in lagu dhiirigalinayo dhalinyarada cusub ee ku soo biiray ciidamada qalabka sida Kuwaas oo diyaar u ah in dalka ay ka sifeyaan nabadiidka Alshabab .

ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka dalka  Mudane Mahdi Maxamed Guuleed “Qadar”  ayaa xusay  in ciidamada qalabka sida ay yihiin kuwa dartood lagu gaarayo hannanka dawladnimada. loona bahanyahay in  lagu buraarujiyo sida ay uga hortagilahyeen cadawga banneeystay daadinta dhigga shacabka  Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media