Dowladda Soomaaliya oo Maanta Gudbineysa Dacwadda Muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbineysa galka Dacwadda ee Muranka Xuduud Badeedka Soomaaliya iyo Kenya Maxkamadda Cadaalada Ee Caalamiga (ICJ).

Waxa gudbinaya Dacwadasi Guddi quburo ah oo uu hogaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir.

Dacwadda waxa dhageysan doona Guddi garsoorayaal ah oo ka kooban 15 garsoore oo ay ku jiran Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Maxakamada (ICJ).

Go’aanka Dacwada ayaa la gaari doonaa Horaanta Sanadka 2017ka marka Kenya ay iyadana gudbiso gal ay uga jawaabeyso Muranka dhinaca Badda oo ay Soomaaliya qabto.

Dhulka ay kenya sheegayneyso ayaa dhan Qiyaastii 142,000 Km oo laba jibbaaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor