Dowladda Soomaaliya oo lacago ugu deeqday dowladda Uganda

Shirkii isgarab taagga Uganda ee Qaxootiga oo ay shir guddoominayeen Madaxweynaha Uganda iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay waxaa looga yaboohay lacag gaareysa 358 milyan oo Doollar.

Dalalka lacagahaas ku yaboohay waxay kala yihiin Sweden (27.2 milyan), EU (95 milyan), Japan (10 milyan)Australia (5 milyan), UK ( 15 milyan) Canada (11 milyan) Norway (4 milyan), South Korea (6.8 milyan), Denmark (40 milyan), Netherlands (5.5 milyan), UAE (5 milyan), India (1 milyan), Austria (2 milyan), Ireland (2.3 milyan), China (500 kun), Midowga Afrika (100 kun), Kenya (100 kun) iyo Equatorial Guinea (100 kun).

Maadaama qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 40 kun ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga dalka Uganda, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaranyahay in ay ka qeyb qaadato yabooha loo sameynayo qaxootiga ku nool dalkan, waxaana dowladdu bixin doontaa $100,000 (Boqol kun oo Doollar).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media