Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka Weli ka Socda Hotelka Maka Al Mukarama

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli dagaalamayaasha Al shabaab ay ku jiraan Gudaha Hotelka.

Wasiirka ayaa shaaciyay dadka dhintay in ay u badan yihiin ragii ilaalinayay Hotelka Maka Al Mukurama.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray in hotelka ay ku sugan yihiin dad aad u farabadan.

Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in khasaaraha ay gadaal kasoo Sheegi doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor