Dowladda Soomaaliya oo Guddi u saartay dhacdadii Bariire

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose, sida uu SONNA u xaqiiyey wasiirka Amniga Soomaaliya oo gudoomiye u ah guddigaasi.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.

Guddigan ayaa looga fadhiyaa in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dhacadaasi si bulshada loola wadaago xaqiiqda waxa ka dhacay deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media