Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Ganacsatada wax ka soo degsada Dekada Muqdisho

Dowladda Federalka Somaliya ayaa digniin culus waxa ay u dirtay ganacsatada Somaliyed ee isku dayaysa in Dakadda Magaalada Muqdisho ay ka soo dajiyaan Khamriga.

C/laahi Sheekh Cali Qaloocow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa uga digay ganacsatada isku day kasta oo ay ku doonayaan in dalka ay ku soo galiyaan Khamri.

Wuxuu sheegay Somaliya inay tahay dal islaam ah oo ka mamnuuc ah isticmaalka iyo ka ganacsiga Khamriga, sidaasina awgeedna ganacsatada looga baahan yahay inaysan qarash iska galin badeecado khamri ah.

“Wadankan waa wadan Muslim ah, waa wadan aan la keeni karin Xashiish, Qamri, kama hadlayo Kontorobaan, waa ka mamnuuc wadankan in la keeno, waxaan u sheegeynaa ganacsatada Soomaaliyeed wadankan lama keeni karo waxyaabahaas oo kale, kaman yeeleyno.” Ayuu yiri Wasiir Qaloocow.

Todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa Dakadda Magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay Kunteenar Khamri ah oo la rabay in la soo galiyo Magaalada gudaheeda, kadib markii ciidamada Booliska Dakadda Muqdisho ay qabteen Khamrigaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media