Dowladda Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegi doonta Maamulka Hawada Soomaaliya

Shalay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya waxa uu Golaha Wasiirada soomaaliya u faah faahiyay qorshaha la soo waregitaanka dowladda soomaaliya ee Mamulka Hawada Soomaaliya iyo halka uu marayo.

Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumada Soomaaliya waxa uu sheegay in hada qorshahaas uu marayo meel wanagsan islamarkaana uu rajeynao in dowladda Soomaliya la soo wareegto Maamuliada Hawada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in sidoo kale uu jiray kulamo uu la qaatay dhigiisa dalka Kenya,kaas oo Kenya ay ku sheegtay in dhamaan waxyaabihii looga baahnaa Garoonka Aadan-Cadde dhanka Amniga iyo Nidaamka Garoomada Caalamiga ah.

Tan iyo Burburkii dalka Soomaliya ayaa waxaa Maamulka Hawada Soomaliya Gacanta ku hayay Mid ka mid ah Hay’adda Qaramada Midoobay oo sitoos ah u maamauleysa

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media