Dowladda Somalia oo soo dhaweysay Xafiiska cusub ee QM ee Somalia UNSOS.

SFG

 

Mohamed Abdi Hayir “Maareeye” oo ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Somalia, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee Tirsigiisu yahay 2245, kaasi oo lagu dhisay Xafiiska QM Taageerista Somalia ee UNSOS.

“Asaaska Xafiiska UNSOS waxay markhaati ka tahay in Golaha Ammaanka ee QM door Hoggaamineed ka qaadanayo Xoojinta Hawlgalladda QM IYO Xaqiijinta Nabadda iyo Ammaanka Somalia” ayuu yiri Wasiir Xayir.

Waxa kaloo uu tilmaamay  in Dhismaha Xafiiska QM uu xoojin doono Xiriirinta, Iskaashiga iyo Taageeradda la siinayo Hawlgalladda ay Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka, waxa kaloo uu rajo ka muujiyey in Xafiiska UNSOS ka taageeri doonaan Wasaaradda Warfaafinta dagaalka Warbaahinta ee looga soo horjeedo Argagixisadda, waa sida uu hadalka u yiri.

© Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor