Dhageyso:-Dowladda Somalia oo markii ugu horeysay ka hadashay wadahadallada u socda ONLF & Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay wada hadalka magaalada Nairobi uga socda maalintii Shanaad dowladda Itoobiya iyo sidoo kale jabhadda ONLF.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isaga oo la hadlayey Idaacada VOA, wuxuu sheegay in DFS ay soo dhaweyneyso tallaabo walbo oo loo qaado dhanka nabadda.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay ay wada hadal kasta oo nabad ah keenayana xasilooni Gobolka ah ay dowladda Soomaaliya taageereyso sidoo kalena soo dhaweyneyso.

“Annaga waxaan u aragnaa wada hadal kasta oo nabad, wanaag iyo xasilooni keenaya gobolka ama dal ka mid ah dalalka gobolka inuu yahay mid faa’ido leh, waana soo dhoweyneynaa, waana taageereynaa.” ayuu yiri wasiirka.

Maalintii Shanaad waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wada hadal uga socdaa dowladda Federaalka Itoobiya iyo sidoo kale ONLF, wada hadalkaasi oo qorshaha uu yahay in labada dhinac uu dhexmaro is afgarad.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media