Dowladda Somaaliya oo Maanta sirasmi ah u bilaawday qaadista Iimtixaanka

Xasan Cali Kheyre,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya ayaa Maanta sirasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo dowladda Somaaliya qaadeyso Sanadkaan Markii Sadaxaad.

Xasan Cali kheyre,ayaa sheegay in dowladda Somaaliya ay ka go’an tahay in Sanadkaan ay si cadaalad ah markale u qaado imtixaanka islamarkaan taasi masuuliyadeeda laga doonayo Wasaarada Waxbarashada Somaaliya sida uu hadalka u dhigay.

23,00 oo Arday ayaa Maanta ka qeybgalaya Imtixaanka ay qaadeyso dowladda Somaaliya,waxaana goobta imtixaanka lagu qaadayo ku sugan xubno kormeer ah oo ka socda dowladda Somaaliya si imtixaanku u noqdo mid siwanaagsan ku dhamaada.

Amaanka Xarumaha lagu qaadayo imtixanka ayaa aad loo askeeyay,waxana xaqiijinaya Ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya sida ay dowladda horay u shaacisay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media