Dowladda Shiinaha oo sheegtay inay DFS ka taageeri doonto Hawlaha  Ammaanka   

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha,ayaa sheegay inay Dowladiisa si kulul u cambaaraynayaan Qaraxaasi, isla markaana ay DFS ka taageeri doonaan Tallaabo kasta oo wax looga qaban karo Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Afhayeenka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalkaasi ee Pejing waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Shiinaha ka soo horjeedo nooca kasta oo Khalkhal-gelin ah iyo inay Somalia  iyo Hawlgalka AMISOM ka taageereen Hawlgalka lagu xoojinayo Nabadda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay diyaar u yihiin inay door ka qaataan dadaalka ay dalalka Afrika, oo Somalia kow ka tahay ugu jaraan sugidda Ammaanka iyo Deganaansha iyo inay kaalin waxtar leh ka qaataan Ammaanka Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media