Dowladda Shiinaha oo shaacisay inaysan Diplomaasiyiintooda kala soo bixi doonin Somalia

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha, Liu Kang ayaa sheegay inaysan xiri doonin Safaaradda ay ku leeyihiin Somalia, kadib, markii mid ka mid ah Shaqaalaha Safaaradda uu ku geeriyooday qarixii bishan July 26-dii lala beegsaday Hoteelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka Somalia u ballanqaaday Dowladda Shiinaha inay sugi doonaan Ammaanka Diplomaasiyiinta iyo Safaaradda Shiinaha, isla markaana la daaweyn doono shaqaalaha Ammaanka ee Safaaradda ee  ku dhaawacmay Is-qarxintii ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadeen Hotelka Jaziira.

Afhayeenka waxa uu carrabka ku dhuftay inaan la xiri doonin Safaaradda ama la soo daad-gureyn doonin Diplomaasiyiinta, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Diplomaasiyiinta gudanayaan waajibka ka saaran xoojinta xiriirka labada Waddan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha, Liu Kang waxa uu tilmaamay in horey loo xoojiyey ammaanka Diplomaasiyiinta Shiinaha ee ku sugan magaalladda Muqdisho, isla markaana ammaanka Saraakiisha Shisheeyaha lagu sugo Gaadiid Milliteri iyo Ilaaliyayaal hubeysan.

“Somalia iyo Shiinaha waa saaxiibo qadiimi oo uu xiriirkoodii hakiyey dagaalladda sokeeye ee ka dhacay Somalia” ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray inay Dowladda Somalia rajeynayso inay Dowladaha ay Shiinaha ka mid tahay taageeri doonaan.

Safaaradda Shiinaha ku leedahay magaalladda Muqdisho waxaa dib loo furay Bishii October ee sannadkii hore, kadib, markii la xiray Burburkii Dowladdii Kacaaanka sannadkii 1991-kii.

© Radio Dalsan