Dowladda Shiinaha ayaa markii horeysay taariikhda inta la xasuusto waxa ay Saldhig Meleteri ka furatay dalka Jabuuti,kadib Munaasabad lagu furayay Saldhigaas oo lagu qabtay gudaha dalkaasi Jabuuti
Furitaanka Saldhigaas ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiyiin ay ka mid ahaayeen Abaanduulaha Ciidamada Shiinaha Tian Zhong iyo iyo wasiirka gaashaandhigga dalka Jabuuti.
Shiinaha ayaa bilaabay dhismaha saldhiggan sanadkii aynu ka soo gudubnay waxaana uu noqon doonaa mid ay sahayda ka sii qaataan maraakiibta dagaalka ee dalka shiinaha.
Maraakiibta dagaalka dowladda Shiinaha qaarkood ayaa haatan ku sugan Xeebaha dalalka Soomaaliya iyo Yaman kuwaas oo sheega in ay la dagaalamaan Kooxaha Bucad Baddeeda Soomaalida.
Marka laga soo tago dalka Shiinaha waxaa sidoo kale jira Wadamo kale oo Saldhigyo Meleteri ku leh dalkaasi Jabuuti,waxana ka mid ah Fransiiska, Japan, iyo Mareykanka.
Qaar ka mid ah Warbaahinta Wadamada Caalamka qaarkood ayaa baahinayay in furitAanka Saldhigaan uu ka dambeeyay heshiis dhex maray dowladdaha Shiinaha iyo Jabuuti,iyada oo ay ka howlgelli doonaan toban kun oo askari ilaa laga gaaro Sanada 2026