Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu deeqday hal milyan iyo bar doolar si loogu gurmado dadka ay fatahaaddu saameysay ee ku nool Gobollada Hiiraan iyo Gedo.

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Qin Jian ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay Dowladda Shiinuhu ka geysanayso shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabeelle iyo Jubba.

dhinaca kale Safiir Qin ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay in ay door muhiim ah ka qaadato ugu gurmashada dadka masiibooyinka dabiiciga ah ay wax yeelleeyeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u saartay sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaaddu barakicisay, guddiga ayaana ku mashquulsan sidii ay gargaar dheeraad ah u gaarsiin lahaayeen meelaha ay fatahaaddu saamaysay, iyagoo gargaar xoog leh gaarsiiyey gobollada Hiiraan iyo Gedo oo ay saamaysay fatahaaddu ilaa haddana waa socdaan gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media