Dowladda Samalia oo Mareykanka ka dalbatay in ay kordhiyaan weerarada lagu bartilmaamedsanayo Xubnaha Shabaab

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Ali Xagaa ayaa ka dalbaday Mareykanka in la kordhiyo taageerada uu u fidiyo Soomaaliya iyo weerarada xagga cirka ee looga horjeedo kooxda Al-shabaab,

Wasiiru dowlaha oo wareysi siiyay The Wall Street Journal ayaa tilmaamay in taageerada Mareykanka ay qeyb libaax ka qaadan karto dadaalka lagu burburinayo kooxda  Al-shabaab ,isla markaana howlgalada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Dronska ay yihiin kuwo muhiim u ah  habka wax ku oolka ah ee taageerada asi.

Hadalada Wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli dowladda Mareykanka ay sheegeen in ay hakiyeen taageerada dhinaca raashinka,shidaalka iyo lacagihii gunada ee ay bixin jireen sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Routers

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media