Maal-gashadayaal u dhashay Sacuudiga ayaa qorseynayo inay Deked cusub ka dhisaan Xeebta Badda Cas ee dalka Sudan, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Sudan, Jibriil Ibraahim.
Wasiirka oo la hadlay Wargeyska Sudan Tribune ayaa sheegay in qorshahaasi lagu soo hadal-qaaday Shirar uu bilowgii bishan la yeeshay 7 Wasiir oo Sacuudiyaan ah, kuwaasi oo uu kala hadlay Iskaashiga iyo Maalgashiga.
Waxa uu intaasi ku daray inay Kulamo kale bilowga bisha soo socoat la yeelan doonaan Hay’adda Maalgelinta Sacuudiga iyo 40 Shirkado waa weyn, si loo dejiyo qorshaha Fulinta Mashaariicda iyo Maalgashiga ay Sacuudiga ka fulin doonaan Sudan.
Wasiirka Maaliyadda Sudan, Jibriil Ibraahim waxa uu tilmaamay in Maalgashadayasha Scuudiga aad u danaynayaan inay Deked cusub ka dhisaan Xeebta Badda Cas iyo Maalgashiga Mashaariic laga hirgelinyo Webiga Atbara oo ku yaalla Bariga Sudan.
Bishan July 11-dii, Wasiirka Maalgashiga Sudan, Al-Hadi Maxamed Ibraahim waxa uu tilmaamay inay Maal-gashadayaasha Sacuudiga qorsheynayaan inay maal-gashadaan Kaabayaasha Dhaqaalaha, Korontada, Waddooyinka waa weyn oo ay dhinac socdaan Mashariic lagu horumarinayo Dekedda Port Sudan ama dhismaha Deked cusub iyo Xoolaha.