Dowladda Sacuudiga oo shaacisay Mowqifkeeda Safaaradda Maraykanka ee magaallada Quddus

Golaha Wasiiradda ee dalka Sacuudiga waxay maanta gaashaanka ku dhufteen Go’aankii ay Dowladda Maraykanka safaaradoodii ku taallay Yuhuudda u so owareejiyeen Magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Warbaahinta Sacuudiga weaxay maanta baahiyeen Mowqifka ay Dowladda Saxuudiga kaga soo horjeedaan Furitaanka Safaaradaasi, ooh al maalin ka hor laga furay magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Sacuudiga waxay sheegeen inay Tallaabadaasi xad-gudub ku tahay Taariikhiyan iyo Xuquuqda joogtada ee dadka Falastiin ee magaalladda Quddus.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga waxay shalay cambaaraysay falkii ay Aaksrta Yuhuudda ku dileen ku-dhawaad 60- Falastiiniyiin ah oo ka qeyb galayey Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Safaaradda Maraykanka ee laga furay magaalladda Quddus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media