Dowladda Sacuudiga oo Gacanta ku heysa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu qabtay Dukumentiyo been abuur ah

Booliiska Caasimadda dalkaasi ee Riyadh ayaa sheegay inay baaritaano ku hayaan Nin Somaali ah oo bilowgii bishan lagu qabtay isagoo watay Lacagta Riyaalka Sacuudiga iyo Dukumentiga Akhaamadda ee Sacuudiga oo la been abuuray,

Afhayeen u hadlay Boliska Riyadh ayaa sheegay inay ninkaasi ku qabteen bartamaha Riyadh, kadib, markii loo soo far muuqay inuu Ninkaasi farsameeyo Lacagaha iyo Dukumentiyadda Been Abuurka, waa sida ay Boliska hadalka u dhigeen.

Ninkaasi ayaa la sheegtay in lagu qabtay Guri uu ka deganaa bartamaha caasimadda dalkaasi ee Riyadh, isagoo haystay tiro Lacago la been abuuray, 22 Dukumentiyadda Deganaansha Sacuudiga ee IQAAMADA, 4 Passaport la been abuuray iyo Kaararka 3 qof oo ka dhoofay dalkaasi oo la been abuuray, Waaxda Dembi-baarista Boliska Sacuudiga ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan Eedeysanahaasi, waxaana la filayaa in la soo taago Maxkamadda marka ay soo dhamaystiraan  Baaritaankooda.

Si kastaba ha ahaatee, Safaaradda Somalia ku leedahay Sacuudiga ayaa la sheegay inaysan weli kama hadlin Muwaadinka Soomaaliga ee bilowgii bishan lagu xiray Caasimadda dalkaasi ee Riyadh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media