Dowladda Raashiya oo Turkiga u dirtay diyaaradaha Dab demiska 

Madaxtooyada Turkiga ayaa shaacisay inay soo gaareen 8 Diyaaradood oo uu Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin u soo diray, kuwaasi oo gacan ka geysan doona Hawlgalka lagu daminayo Kaymaha ku gubanaya Koonfurta Turkiga.

5 Diyaaradaha waa weyn ee Il 76 iyo 3 Helikobtarada nooca Mi 8 ayuu Madaxweynaha Raashiya soo diray, kadib, markii ay Khadka Telefoonka ku wada hadleen dhigiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogan.

Putin waxa uu u xaqiijiyey Erdogan inay taageero dheeraad ah ka geysan doonaan daminta Kaymaha ku gubanaya Koonfurta Turkiga.

Dhinaca kale,  Madaxweyne Erdogan waxa uu Putin uga mahad celiyey inuu u soo diray Turkiga 5 diyaaradaha Il 76 oo ay midiiba qaadi Karta 40 tan.

Arbacadii hore ayuu dab xoogan qabsaday dhulka Kaymaha ee Gobalo ku yaalla Koonfurta Turkiga,  iyadoo ay 6 qof ku geeriyootay, halka ay 183 kalena ku dhaawacmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor