Dowladda Qatar oo magangelyo siisay Hoggaamiyihii Alshabaabka Galgala.

Diplomaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ayaa shaaciyey in ay Dowladda Qatar oggolaatay inuu dalkeeda magangelyo ahaan ugu noolaado Hoggaamiyihii Alshabaabka ka dagaalama Buuraha Galgala, Sheekh Maxamed Saciid Maxamed “Atom”  kaasi oo horey Dowladda Federalka Somalia isugu soo dhiibay Bartamihii sannadkii 2014-kii.

Sheekh Maxamed Saciid “Atom” oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia.ayaa la sheegay inay shalay gaareen Casaimadda dalka Qatar ee Dooxa.

Hoggaamiyahaasi ayaa lagu tilmaamay Nin Furfuran, isla markaana uu si mutuxan u cambaareeyey Hawlgalladda Alshabaab kula jiraan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dowlad-gobaleedka Puntland waxay horey Dowladda Federalka uga codsadeen in loo soo gacan-geliyo Hoggaamiyahaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey weeraro ay Maleeshiyadiisa ku dileen Askar ka tirsanaa Maamulkaasi, iyadoo Ciiddanka Puntland iyo kuwa Alshabaab ku dagaalameen Deegaanadda ku hareeraysan Buuraha Galgala.

Dhinaca kale, QM waxay Sheekh Maxamed Saciid “Atom” ka qaaday Xayiraadda Socdaalka iyo Maaliyadda,, balse waxa uu weli ku jiraa Liiska Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ee lagu saaray Cunaqabataynta dhinaca Dhaqaalaha.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor