Dowladda Qatar oo dhaliilsan Mowqifka Wadamada Khaliijka qaarkood

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Maxamede bin Cabdulraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in xayiraadaha saaran dalkiisa ay lid ku yihiin shuruucda caalamiga ah, waddamada xayiraadahaasi soo rogayna ay diidan yihiin in ay arrintaasi qiraan.

Sucuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa waxa ay doonaya in Qadar ay u hoggaansanto dhammaan dalabaadkii loo soo jeediyay ka hor inta aysan wax wada hadal ah la furin waddamadani.

Waddamadan ayaa doonaya in Qadar ay marka hore shuruudo ka soo baxda ka hor inta aysan wax wada xaajood ah la yeelan waddamadani.

Dowladdaha  Kuwait iyo turkiga ayaa ku dadaalaya in ay dhexdhixaadaan Wadamada Khalijka,waxana tani u muuqataa in xal buuxa laga gaaro khilaafkaas

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media