Dowladda Qatar maxay ka tiri qaraxii ka dhacay Xabsiga dhexe?

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda dalka Qatar ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar war qoraal ah oo ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ay si aad ah u cambaareyneyso weerarkaasi, waxayna sheegtay weerarkan in uu ahaa mid Argagixisanimo, maadaama lagu qaaday Masjidka oo cibaadada Alle ay ku gutaan dadka islaamka ah.

Dowaldda qatar ayaa isku dayeesa in ay xijisato Soomaaliya oo meel dhexe ka taagan Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Kahiijka oo lagu go’doomiyay Wadanka Qatar.

Gabagabada dowladda Qatar ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay la Shaqeeyan dowladda Sooamaliya si ay u yaraadaan weerarada isqarxinta ah ee ka dhaca Gudaha Magaalada Muqdisho.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media