Dowladda oo la wareegtay Doomo loogu talo galay Ciidamada Badda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga kala wareegtay doonyo loogu talo galay in ay isticmaalaan ciidamada Badda Soomaaliya si ay kooxaha Burcadda ah uga ilaaliyaan in ay dhibaatooyin ka geystaan.

Goobta lagula wareegayey doomahaasi waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Sareeye Guuto Madey Nuurey Sheekh Ufurow iyo taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Sareeye Gaas Axmed Jimcaale Geedi Carfiid.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Sareeye Guuto Madey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa sheegay in doomahaan ay wax badan u sahli doonaan ciidamada badda Soomaaliya islamarkaana ay ku howl gali doonaan.

Taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Sareeye Gaas Axmed Jimcaale Geedi Carfiid ayaa isna halkaasi ka sheegay in ciidanka xoogga dalka mar walba ay u taagan yihiin difaaca dalka islamarkaana badda iyo barigaba ay kula dagaalamaan cid waliba oo dalka caqabad ku ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media